Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad oo sheegay dastuurka dalka in uu gacmo shisheeyo ku jiro (dhegayso)

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad oo sheegay dastuurka dalka in uu gacmo shisheeyo ku jiro (dhegayso)

Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Barlamaanka Somaaliya, ayaa sheegay in Dastuurka dalka gacmo shisheeye gacanta loo galiyey, xili uu ka hadlay warbaahinta. Mahad ayaa sheegay in NGO laga leeyahay Maraykanka shaqadii Gudigii Dib-u-eegista dastuurka ay gacanta u gashay.

Mudane Cawad ayaa dhanka kale sheegay in Guddiga kor-joogteynta dib-u-eegista dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka fedaraalka iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka aysan jirin wax gacanta ugu jira, isla markaana hay’addaas aysan cidna u ogolayn xogta hawsha.

Arrimo baddan oo ku saabsan shir ka dhacay Baydhabo oo ay ku kulmayaan Madaxda Federaalka iyo Dowlad gobaleedyada ayuu kaga hadlay isaga oo shirka qaylo dhaan ka direy, una direy shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka dhegayso

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com