Guddigii xulista golaha deegaanka Gaalkacyo oo beeniyeey eedaymo loo jeediyeey (dhegayso)

Guddigii xulista golaha deegaanka Gaalkacyo oo beeniyeey eedaymo loo jeediyeey (dhegayso)

Guddigii xulista golaha deegaanka degmada Galkacyo ayaa beeniyey eedo loo jeediyey oo la xiriiray habkii ay u mareen xulista xubnaha golaha deegaanka ee degmada Galkacyo ee ay shalay ku dhawaqeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee dawladda Puntland Marwo Sahra-kiin Cabdi Xirsi oo ka mid ah guddigaas ayaa wareysi ay siisay Radio Daljir waxay si kulul ugu beenisay eedahaas loo jeediyey, waxayna sheegtay in ka guddi ahaan ay xubnahan kusoo xuleen nidaam daahfuran oo caddaalad ah.

Docda kalana wasiirku waxay ka hadashay tirada xubnaha haweenka ah ee ku jira golahan cusub iyo arrimo kale oo isla mawduucan la xiriira.

Marwo Sahra-kiin Cabdi Xirsi oo joogta magaalada Galkacyo ayaa khadka telefoonka ugu warrantay Axmed Sh. Maxmed “Tallman” oo ku sugan xarunta Daljir ee magaalada Bossaso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com