Guddiga Xalinta Khilaafka Barlamaanka Somaaliya oo maanta ka hadlay Halkay Wax marayaan (dhegayso)

Guddiga Xalinta Khilaafka Barlamaanka Somaaliya oo maanta ka hadlay Halkay Wax marayaan (dhegayso)

Gudigii Xildhibaanada Aqalka Sare ee loo xilsaaray xal u raadinta Khilaafka u dhaxeeya gudoomiyaha golaha shacabka iyo xildhibaanada mooshinka ka wada ayaa waxa ay ka warbixyeen waxa u qabsoomay kadib kulan manta ka dhacay Xarunta Aqalka Sare.

Gudiga ayaa waxa uu sheegeen in ay la kulmeen dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeya sida gudoomiyaha golaha shacabka iyo goomiye ku xigeenka koowaad Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwenyne Farmaajo.

Maxamuud Maxamed Axmed Mashruuc oo ka mid ah xubnaha gudiga ayaa sheegay in gudoomiyaha golaha shacabka uu ka aqbalay gudiga in uu u hogaansamo Sharci hoosaadka u yaalla golaha Shacabka kana dalbaday gudiga in xaalada amniga ee xarunta golaha shacabka lagu soo celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor

Dhanka kale gudiga waxa uu la kulmay gudoomiye ku xigeenka kowaad waxa ayna u soo jeediyeen in uu ka shaqeeyo sidii ilaalada xarunta golaha shacabka loogu soocelin lahaa in uu ka shaqeeyo qabashada gudiga joogtada ah si uu u agaasime habraaca mooshinka yaalla gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddigan Maanta warbixinta siiyay Xildhibaanada Aqalka sare oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa la magacaabay 17 Bishaan Maarso,six al looga gaarao khilaafka ka dhashay mooshinka ka dhanka ah gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com