Guddiga xalinta khilaafaadka Puntland oo maanta bilaabay qabashada xildhibaanada cusub (Dhegeyso)

Garoowe, December 11, 2013 – Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka gollaha wakiilada Puntland ee uu magcaabay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta bilaabay howshooda qabashada codsiyada xildhibaanada cusub ee Puntland.

Guddiga ayaa markii ugu horaysay qabtay shir jaraa?id oo ay warkan ku shaaciyeen tan iyo markii la magcaabay.

?ilaa 15 bishaan ayaan ku dhamaynaynaa qabashada xildhibaanada cusub ee Puntland, kadib waxaan geli doonaa xalinta khilaafaadka jira.? Ayuu yiri Afhayeenka guddiga Eng. Maxamuud Axmed Xasan

Afhayeenka guddiga ayaa sheegay in ay dhab ah u hubin doonaan xildhibaanada la soo xalayo iyagoo maraya habka dastuurku qorayo. ?15 ilaa 25 December waxaa qorshuhu yahay inaan xalino khilaafaadka jira.? Ayuu yiri Eng. Maxamuud.

Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka waxay xuseen sida qorshuhu yahay inay xildhibaanada cusub fadhigooda ugu horeeya yeeshaan 1 January ee sanadka cusub, musharixiinta ayaa ?weli diidan guddigan howsha bilaabay.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso: – Eng. Maxamuud Axmed Xasan oo maanta shir jaraa?id ku qabtay Garoowe

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com