Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashadda oo sheegay inay xalin donaan khilaaf walba oo yimaada

Afhayeenka guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada ayaa sheegay in ku dadaali doonaan inay si cadaalad ah u xaliyan khilaaf kasta oo kasoo laabta doorashooyinka dhacaya ee labada Aqal.

Waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in Xubnaha guddiga ay goobjoog ka noqon doonaan Goobaha ay ka dhacayaan doorashada, isla markaana, iyaga oo raacaya shuruucda ay soo saareen Golaha wadatashiga Qarankaay xalin doonaan khilaafka yimada.

Waxaa uu ku baaqay In lagu dadaalo in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah, basle aysan dhicin doorasho la kala jiita, isaga oo sidoo kale ku baaqay in lala Shaqeeyo gudiyada doorashooyinka iyo Ciidamada Amniga.

Howlaha doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ayaa dhawaan ka bilaabaya dalka, iyada oo ay socdaan diyar garowgiii ugu dambeeyay, waxaana Maamulka Jubbaland uu noqon doonaa Maamulka ugu horreeya ee qabta doorashada Aqalka Sare


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com