Guddiga Qaban-qaabada shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Iyo Wakiillada Beesha Caalmaka oo Dhuusamareeb ku kulmay

Wasiirka Arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta guddoomiyay shir dhex maray guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo safiirrada beesha caalamka ee maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah dowlad gobaleedka Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmdug, Prof. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanla looga hadlay hanaanka ay u socdaan qorshaha dib-u-heshiisiinta ay wadaan.

Wakiillada Qarmada Midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya ee saldhiggoodu yahay Muqdisho oo ayaa guddiga ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay ugu jireen isu keenidda reer Galmudug si loogu diyaar garoobo dhismaha maamul Galmudug midaysan.

Dhawaan ayaa wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo gudaneysa waajibaadkeeda shaqo ayaa magacaawday guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka kooban 12 xubood


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com