Guddiga milatariga Suudaan oo ka bad baaday Afgambi (dhegayso)

Guddiga milatariga Suudaan oo ka bad baaday Afgambi  (dhegayso)

Guddiga milatariga ee dalka Suudaan ayaa ka bad baaday Afgambi dhicisoobay waxaana xabsiga ladhigay ilaa iyo 16 sarkaal oo ku lug lahayd isku daygan afgambi.

Afgambigan lafashilay ayaa ku soo beegmay xili ay wadahadalo ay u socdaan golaha Qaran ee milatariga iyo dhaq dhaqaaqa mucaaradka ee dalkaasi Suudaan, sida uu shaaciyay tvga Sudaan.

Saraakiisha laxiray ayaa isugu jiray xubno katirsan laamaha milatariga, sirdoonka, iyo kuwa u adeega Qaranka oo waday iskuday lagu mijaxaabin lahaa Jen: Jamaal Cumar.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay milatariga iyo mucaaradka ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo maamula dalkaasi saddaxda sano ee soo socota inta laga gaarayo doorasho.

Dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com