Site icon Radio Daljir

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo xulis kawadda Kismaayo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa Magalada Kismaayo waxa ay ka bilaabeen xulista Xubnaha ka mid noqonaya Xafiis uu guddga ka furanayo Magalada Kimaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil (Xaliima yarey) oo Warbaahinta kula hadashay Kismaayo ayaa sheegtay in howlaha ay ka wadaan Kismaayo ee xulista ah ay meel wanaagsan mareyso.

Waxa ay sheegtay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonto natiijada kusoo baxda imtixaanka loo qaadayo Xubnaha ka mid noqonaya Guddiga,waxana ay sheegtay in ilaa iyo hadda ay soo xuleen ilaa Saddex Ruux.

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa hjoray waxa uu Xarumo uga furtay deegaano ay ka mid tahay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.

Exit mobile version