Guddiga ka hortaga COVID-19 ee DDS oo kulan yeeshay

Guddiyada Sare ee ka hortaga, Xakamaynta iyo Wacyigalinta Cudurka COVID-19 ee Degaanka Soomaalida oo ka duulaya sii’adkaynta shaqooyinka ka hortaga karoona fayraska ayaa yeeyashay kulan koodii joogtada ahaa.

Kulanka oo uu shir gudoomiyay Madaxwayne Ku Xgeenka DDS Mudane Ibraahim Cismaan ayna ka soo qayb galeen masuulinyiinta gudiyada ayaa waxaa ugu horayn la isku xog waydaarsaday xaaladaha u.danbeeyay ee halista cudurka iyo dhibaatooyinka uu keenay.

Waxayna guddiyada ka hortagu ay soo jeediyeen in uu caabuqa karonaa fayrasku sii kordhayo kuna sii faafayo bulshada gudaha degaanka dhinaca bulshadana ay ka muuqato dhayalsi badan iyo taxadar la’aan ayna ugu daran yihiin maamul magalooyinka iyo degmooyinka

Kulanka oo lagu gorfeeyay arimaha caabuqa COVID19 ka ayaa la iskula qaatay.

☆ In la siixoojiyo shaqooyinka ka hortaga oo aan laga caajisin dadaalada ka hortaga iyo xakamaynta cudurka.

☆ In la sii adkeeyo hawlaha hirgalinta bayaanka xaalada degdega.

☆ In la sameeyo daraasadyo lagu iftiimiyo dhibaatooyinka dhaqaale iyo bulsho ee uu keeni karo karoona fayrasku , iyo
☆ Inay guddi hoosaadyadu shaqooyinkooda sii adkeeyaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com