Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyey maalinka kama dambaysta ah ee dhicidda doorashada golayaasha deegaan ee Puntland, baddelayna wakhtigii hore ee loo ballansanaa.

?

Wakhtigii labaad ayaa mar kale dib loo dhigay doorashooyinka golaha deegaanka Puntland sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska M/weynaha Puntland.

Guddiga kmg ah doorashooyinka Puntland ayaa galabta saxaafada u aqriyay warqaddaas digreetada ah oo dib maalmo lagu daray xilligii loo qorsheeyay inay dhacaan doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.

?

Warqada degreetada ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa guddigu ku sheegay in 15 bisha 7aad ee sanadkaan loo rogay xilligii doorashooyinka dowladda hoose halka markii hore loo balansanaa 30 bisha lixaad.

?

Gudoomiyaha kmg ee doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre oo degreetada aqrinayay wariyayaasha ayaa sheegay dib u dhiga xilliga doorashada inay ka timid ururada siyaasada Puntland oo codsaday in waqti loogu darro’majiraan cid kamid ururada siyaasadda wax hadal ah oo arintaan ay kadhaheen?

?

Idle Maollim Omar

Radio Daljir Somalia

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com