Guddiga doorashooyinka Puntland oo gabagabeyey diwaangalinta xisbiyadda siyaasada

Guddiga doorashooyinka Puntland oo gabagabeyey diwaangalinta xisbiyadda siyaasada

Guddiga doorashooyinka KMG ah ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqay inay soo xirmeen diwaan galinta Ururu siyaasadeedyada,waxaana guddiga uu sheegay in gabi ahaanba la joojiyeey in xisbi dambe la diwaangaliyo.

Afhayeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Cabdinuur Sheikh Maxamed, ayaa sheegay in habka diiwaan-gelinta ururada siyaasadda oo soo bilowday 15-Dec-2019 uu soo xirmay Galabta oo ku beegan 15-Mar-2020, saacaddu markii ay ahayd 5:00pm Galabnimo.

Sadexdi bilood ee ugu dambeysay ayeey socotay diwaangalinta Xisbiyada wuxuuna Afhayeenku sheegay in uu guul ku soo idlaaday diwaangalinta xisbiyada siyaasada dalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com