Guddiga doorashooyinka Puntland oo 15 bari ku kordhiyay mudada isdiiwaan-galinta musharaxiinta.

Garowe, May, 09, 2013 – Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland TPEC ayaa muddo 15 maalmood ah ku daray qabashada liisaska musharaxiinta golayaasha deegaanka doorashooyinka dhacaya 30 June,2013.

?

Axmed Maxamed Axmed oo xubin ka ah guddiga doorashooyinka saxaafadana kula hadlay maanta 11 May,2013 ayaa sheegey in guddigu mudadan ku darey xiliga ugu danbeysa qabashada liisaska musharaxiinta ka dib codsi uga yimid ururada siyaasada Puntland.

”Markaan tixgeliney wakhitga kooban ee taagan iyo hawlaha culus ee horyaala ururada siyaasada soo xulista xubnaha ,waxaanu go’aaminay inaanu kordhino wakhtiga la qabanayo liisaska oo dhan 15 cisho kuna eg 26 May,2013” ayuu yiri Axmed Dubays.

Horey ayaa guddigu u shaaciyey inay maanta ugu danbeyso qabashada liisaska musharaxiinta u taagan golayaasha degmooyinka Puntland ,waxana ururada laga sugayaa inay soo dhamaystiraan magacyada u galaya doorashooyinka.

?

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?

Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com