Guddiga doorashooyinka FEIT oo shaaciyay in kuraas taallay Beledweyne Jowhar loo wareejiyay

HomeWararka

Guddiga doorashooyinka FEIT oo shaaciyay in kuraas taallay Beledweyne Jowhar loo wareejiyay

Guddiga doorashooyinka ee FEIT ayaa ku dhawaaqay in kuraasta HoP#009 iyo HoP#135 oo deegaan doorashadoodu ahayd Hirshabeelle gaar ahaan magaalada

Puntland & halhayska dowladeed ee “shacabku ha is difaaco” muxuu Wasiir Gallan ka yiri? (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Wasiir Qarjab: “Somaliland ayaa nasoo weerartay (dhegayso)

Guddiga doorashooyinka ee FEIT ayaa ku dhawaaqay in kuraasta HoP#009 iyo HoP#135 oo deegaan doorashadoodu ahayd Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Beledwweyne loo soo badalay magaalada Jowhar.

Guddiga ayaa sheegay Iyadoo la tix-raacayo heshiiskii 17 Sebtember 2020 iyo ansixintii labada aqal ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo qeexaya in maamulaka goboleedka HirSHabeele doorashada lagu qabto Jowhar iyo Beledweyne.

Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada labada kursi ee kor ku xusan laga wareejiyey Beledweyn loona wareejiyey in doorashadooda lagu qabto Magaalada Jowhar.

Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#009 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlada Hirshabeelle 24-kii bishaan markii laga soo badalay magaalada Beledweyne.

Sidoo kale kursiga HoP#135 ayaa la qaban doona doorashadiisiisa maalinta berri ah, waxa kursigan horay ugu fadhisay Aamino Maxamed Cabdi oo Qarax lagu dilay magaalada Beledweyne.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: