Guddiga diyaarinta doorashooyinka oo la kulmay Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga

Guddiga diyaarinta doorashooyinka oo la kulmay Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarruunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe.

Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka oo xukumadu ku adkaysanayo in ay noqo doonto mid qof iyo cod ah.

Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka.

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahadceliyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka.

Guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walboo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay.

kulanka uu guddigga la yeeshay wasiiradda Amniga Iyo Gaashaandhigga ayaa ugu dambeeyntii kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan, sida ay warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji.

Xubnahaan ayaa horay kula kulmay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka marka laga reebo Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ay horay Xukumada Soomaaliya u sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashadii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com