Guddiga Difaaca Puntland oo been abuur ku tilmaamay inay ciidamo ka goosteen Puntland (dhegayso)

Guddiga Difaaca Puntland oo been abuur ku tilmaamay inay ciidamo ka goosteen Puntland (dhegayso)

Guddiga difaaca ee Puntland ayaa maanta kula hadlay warbaahinta magaalada Garoowe, wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay ciidamo ka goostay Puntland inay ku biireen Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegaya laba nin oo ka hadlay muuqaal uu baahiyay Somaliland inuu yahay nin qaad wale ah Ibraahim Geeddi la yiraahdo oo la garanayo oo qaadka ka qaada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halka mid kallena uu ahaa nin qoslayay markii muuqaalka laga soo duubayay oo sheeganayay inuu ka goostay Puntland.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay been abuur inuu yahay warkaasi oo raggaasi ay ciidamo u noqon marna Puntland.

Wasiirka xiriirka golayaasha iyo madaxtooyada Cabdulaahi Quraanjecel ayaa dhankiisa sheegay in maamulka Somaliland aqoonsi ku raadinayo dadka shacabka ee magaalada oo xarig lagula kaco iyo laynta, arrintaasi oo uu ku tilmaamay mid aan aqoonsi lagu heli karin.

Hoos kadhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com