Site icon Radio Daljir

Guddiga Difaaca Puntland: “Halkii milyan ee kaashkii Federaalka waa kaas Muuse ciidamo uga soo guraya Hargeysa iyo Bariga Burco” (dhegayso)

Dowladda Puntland ayaa sheegtay halkii milyan ee doolar ee Raysal Wasaare Kuxigeenka iyo Wasiirka Maaliyadda Dowladda Faderaalka shalay ay ugu deeqeen Somaliland in uu yahay mid lagu hurinayo colaadda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayna “Puntland u aragto in Dowladda Faderaalku ay qayb ka noqotay duullaanka Somaliland ku hayso dhulka Puntland.”

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowladda Puntland Cabdulaahi Xirsi Timo-Cadde ayaa sheegay inay dowladda Puntland diidaneen in loo gurmado dadka ay duufaantu saamaysay, balse ay diidantahay lacagtan oo ah mid kaash ah oo aan la marin hay’adaha khayriga si toos ah loogu dhiibo maamulka Somaliland, waxaana wasiirka uu sheegay taasi in ay keeni doonto Somaliland inay uga qaybqaadato dagaalka ka socda gobolka Sool, macnaheeduna yahay “rasaas ku soo gata” oo ciidamo beeleedyo ku soo gura, oo dadka reer Sool ku gumeysta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in duufaantu ay ku dhufatay gobolada Puntland, oo guryo burburiyeen, 7 donyood oo ganacsi lumeen, kuwo kalluumeysi burbureen, dadna ay ku dhinteen, illaa iyo hadana aanay jirin wax jawaab ah oo ay Dowladda Soomaaliya ka bixisay dhibka soo gaaray Puntland. Sidaas darteed, wasiirku waxa uu sheegay in ay hadda “Puntland u aragto in Dowladda Faderaalku ay qayb ka noqotay duullaanka Somaliland ku hayso dhulka Puntland.”

Hoos ka dhegayso.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5b17421b020100d784b691d8/Codka+Gudiga+Difaaca+Puntland_1+milyan+hargeysa.mp3?_=1
Exit mobile version