Site icon Radio Daljir

Guddiga Dib u eegista dastuurka oo gaaray Kismaayo

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka dastuurka iyo arimaha faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyaan guddiga dib u eegista dastuurka ee dalka ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Socdaalkan ayaa qayb ka ah wadatashiyada samaynta dastuurka dalka, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka socdeen gobolada dal.

Dastuurka Soomaaliya ayaa dowladda hadda jirta waxaa ay galisay juhdi aad u wayn, iyadoo qorshaha ugu wayn uu yahay sidii dalka looga hirgalin lahaa doorasho qof iyo cod doorashada sanadka 2021 ee dalka Soomaaliya.

Exit mobile version