Guddiga dhismaha ee wadada Ceeldaahir iyo Baran oo lagu wareejiyo xoolo nool (dhegayso)

Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Baran ee gobolada Bari iyo Sanaag ayaa lagu wareejiyay xoolo nool oo isugu jira geel iyo ari, taasi oo ay ku wareejiyeen dadka deegaanka Gumar oo katirsan gobolka Sanaag.

Haweenka, odayaasha iyo dhalinyarada deegaanka ayaa iska soo uruuriyay xoolaha nool, si’ay taageero ugu muujiyaan shaqada dhismaha wadada ee socota.

Dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Baran ayaa hadda maraya meel aad u wanaagsan iyadoo jaay iyo daamur lagu shubay inka badan lixdan Kiilo mitir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com