HomeUncategorized

Guddiga baarlamaanka federaalka u qaabilsan dastuurka oo dhaliilay hab-dhigaalka qorshaha tubta nabadda, soona jeediyey in baarlamaanka la horkeeno.

Caption ...

Xaaladda deegaanka Dhag-tuur ee gobolka Mudug oo deggan iyo khasaaraha labada dhinac oo sii kordhaya.
Ururka dhalin-yarada Puntland oo soo dhaweeyay hadalkii madaxweynaha Puntland ee ku aadanayn doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.
RW Cumar oo Garowe ku soo Wajahan

Muqidisho, Nov 13 – Kulan ay Muqdisho ku yeesheen guddiga dastuurka ee baarlamaanka dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayay ku dhaliileen hab-dhigaal qorsha tubta nabadda oo ahaa qorshe lagu meeleeyey shirkii wada-tashigaa ayaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xubnaha guddiga dastuur baarlamaanka ayaa kulankooda oo ay si durugsan ugu faaqideen nuxurka iyo naaxiyadda hoose oo uu xambaarsanaa nuxur-qoraaleedkii laga soo saaray shirkii wada-tashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay intiisa badan hab-dhigaalka qorsha tubta nabaddu in uu yahay mid ka weecsan axdiga kumeel gaar ah ee Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeen guddiga dastuurka baarlamaanka Cabdiqaadir Sh ismaaciil, oo maanta u waramay Radio Daljir ayaa sheegay tafaftirid iyo tafniidid badan kaddib guddiga dastuurka ee baarlamaanka federaalku in ay go’aamiyeen qorshahaasi in la horkeena golaha wakiillada si ay uga aragti dhiibtaan.

Md. Cabdiqaadir Sh ismaacii, waxaa uu tallaabo qaadidaani in ay guddi ahaan uga golleeyihiin dhawris iyi illaalinta axdiga kumeel gaar ah, loona baahan yahay hay’adaha dawladiga ah iyo madaxdoodu in ay ka dheeraadaan waxkasta oo dhaawici kara axdi-qarameedka.

Guddoomiye kuxigeenku, waxa uu waraysigiisaasi dhinaca kale ku dhaliil ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya danjire Mahinga, oo uu sheegay in uu galay wax ka badan hawlihii loo igmaday.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: