Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare oo xaaladda dalka ka dayriyey

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan tillaabooyinka degdeg ah oo wax looga qabanaayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ee ku aaddan xiriirka sii xumanaaya ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Kulan ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayey kaga hadleen xaaladdaha amni darro ee ka jira dalka iyo hanaanka Federaalka. Xildhibaanada Aqalka Sare waxa ay sheegeen in ay doorkooda matalaad ee maamul goboleedyada ay qaadan doonaan.

War ka soo baxay Aqalka Sare ayaa sidoo kale lagu sheegay in sababo Amni iyo Mid Farsamo ay kaga baaqdeen furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan xilliga uu furmaayo Kalfdhiga Aqalka Sare.

Warka ayaa sidoo kale tacsi loogu diray dadkii maanta ay waxyeelado ka soo gaareen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

  


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com