Site icon Radio Daljir

Guddiga Aqalka Sare oo Ku Guuldaraystay Xalinta Khilaafka Baarlamaanka

Guddigii Aqalka Sare ee Soomaaliya uu usaaray xalinta khilaafka ka dhex taagan aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku guul daraystay dhamaynta murankaasi oo saameeyn ku yeeshay hay’adda sharci dajinta dowladda ee baarlamaanka.

Guddiga Aqalka Sare oo u ssaaray khilaafka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka koobnaa todobo xubnood oo guddoomiye uu yahay mudane Cabdi Xaashi oo ah guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay kulan ay la yeesheen xubnaha baarlamaanka ee khilaafka uu udhaxeeyo iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo laga keenay mowshin xilka looga qaadayo.

War uusoo saaray guddiga ayuu ku sheegay inay fashilmeen dadaaladii ay ku doonayeen xalinta muranka baarlamaanka ee saameeyey shaqooyinkii kalle duwanaa ay dowladda ay wadday.

Exit mobile version