Guddig Amniga Soomaaliya oo shir ka yeeshay adkaynta amniga Muqdisho

Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee Guddiga Amniga Qaranka oo lagu qabtey xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha oo shirka hadal ka jeediyay ayaa kula dardaarmey madaxda laamaha amniga inay dardar-geliyaan hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in amniga uu yahay tiirka koowaad ee dowladda ay ku dhisan tahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.

Madaxda laamaha amniga qaranka oo iyaguna shirkaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbadey shacabka inay taageeraan barnaamijyada dalka lagu xasilinayo.

Shirkan waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra\’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma\’arke.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com