Site icon Radio Daljir

Guddi Xal-u Hela xiisadaha Gaalkacyo oo la Magacaabay

Somalia, November 29, 2015-(Daljir)_ Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa kahadlay xaaladda Galkacyo iyo wixii uu kala kulmay dhinacyada xiisaddu u dhexayso.

Mudane Cumar Cabdirashiid Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Galkacyo ay ogolaadeen inay dagaalka joojiyaan kana shaqeeyaan wadanoolaanshaha shacabka kunool Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa gudi dhexdhexaadin ah oo uu hormuud u yahay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa u magacaabay inay nabad ku dhammeeyaan dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Maamulka Cadaado.

Ugu dambayntiina ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha maamulka Cadaado ay ogolaadeen inay Galkacyo booqdaan colaada joojinteedana ka qaybgalaan.

 

Daljir.com

Exit mobile version