Goormaa lagu dhawaaqayaa natiijada doorashooyinka Somaliland?

Goormaa lagu dhawaaqayaa natiijada doorashooyinka Somaliland?

Guddiga doorashooyinka ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay muddo sedex maalmood gudahood in lagu dhawaaqi doono natiijada doorashooyinka madaxtinimo ee Somaliland, iyagoona uga digay shacabka inay dabaal-deg sameeyaan natiijada kahor.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka ee Somaliland Siciid Cali Muuse oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa sheegay doorashooyinka inay suurtagal tahay natiijadeeda inay shaaciyaan maalmaha 16,November,18,November iyo 18November, waxaana uu ugu baaqay shacabku inay ka warsugaan natiijada guddiga doorashada oo howsha gacanta ku haya loona igmaday.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabduqaadir Iimaan Warsame ayaa isaguna sheegay inaan laga hordhicin natiijada, isagoona si gaar ah xisbiyada iyo shacabkuba ugu baaqay inay dhigan bandhig iyo dabaaldegyo doorashada la xiriirta iyo guusha xisbiga ay taageersanyihiin.

“Waxayagu way furanyihiin ee furnaanshahaas yaan khalad looga faa’iidaysan, ma odhanayno ciddi yaanay soo gelin oo ciddi helin, goobta muraaqib ayaa u jooga xisbiga, waanu qoraayaa, laakiin isu gaynta degmada iyo goalka midna lama garan karo.”ayuu yiri guddoomiyaha doorashooyinka Cabduqaadir Iimaan.

Wararka hordhaca ah ee aad loo hadalhayo ayaa sheegaya in labada xisbi ee kulmiye iyo Wadani ay isugu soo hareen natiijooyinka doorasho, waxaana sidoo kale howsha doorashada dusha kala socda kormeerayaal caalami ah oo qaarkood kasocda wadanka Ingiriiska oo isagu maalgelinaya doorashada.

Kormeerayaasha ayaa shirar kale duwan oo ay albaabada u xiranyihiin la yeeshay musharixiinta kala ah Muusa Biixi oo katirsan xisbiga Kulmiye iyo Cabdiraxmaan Ciro oo xisbiga Wadani ah, waxaana la’ogayna waxa kulamadan looga hadlay inkastoo ay la xiriirto doorashooyinkii dhacay Isniintii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com