Goorma Ayuu Soo Noqon Doonaa Internetkii Koonfurta Soomaaliya

Goorma Ayuu Soo Noqon Doonaa Internetkii Koonfurta Soomaaliya

Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay xiliga uu dib u soo laabanayo internetkii Fiber Optic-ga ee Koonfurta Somali oo go’an muddo labo todobaad ka badan iyo khasaaraha dhaqaale ee dalka ka soo gaaray.

Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku tilmaamay dhacdadan Musiibo wayn oo Soomaaliya ka soo gaartay ilaa iyo hadda khasaaro dhan in ka badan 130 milyan oo doollar”.

“Nasiib wanaag Fiilooyiinka go’ay ee badda hoosteeda mara haatan waa la hagaajiyay adeega inernetkana wuxuu dib u soo laaban doonaa inta uusan dhamaan todobaadkan” ayuu yiri Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Internetkan go’an oo saameeyay koonfurta Soomaaliya, ayaa ka dhashay markii uu go’ay xarrig internetka ee mara badda hoosteeda waxaana jira warar sheegaya in markab ganacsi uu jaray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com