Goodax Barre: “Khiyaano Qaran ayeey galeen Farmaajo & Fahad Yaasin

Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay walaaca waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashooda ka maqan, kuwaasoo sanad ka hor ay dowladdu tababar ugu dirtay dalka Eritrea.

Goodax ayaa sheegay inay tahay arrin aad u fool xun murugo iyo mas’uuliyad darro aan qiil laheyn in jawaabta dowladda ka bixisay ciidamada tababarka loogu diray Eritrea ee la sheegay inay ka qeyb galeen dagaalka Tigray.

“Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida”ayuu yiri Goodax Barre.

Waxaa uu sheegay in aanu jirin khiyaano Qaran oo ka weyn dambiga laga galay Ummadda Soomaaliyeed oo uu dusha uga tuuray Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin

“Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen”ayuu yiri.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com