Goobaha Ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa Isgoyska dabka iyo Sayidka oo saakay xiran+ Sababta

Goobaha Ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa Isgoyska dabka iyo Sayidka oo saakay xiran+ Sababta

Goobaha Ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa Dabka iyo Sayidka oo saakay xiran iyo Bannaan bax la qorsheenayo.

Waxaa saakay gabi ahaan xiran goobihii ganacsi ee kuyaallay inta u dhaxeysa isgoosyada Dabka iyo Sayidka ee laamiga makka Al Mukarama, waxa ayna ganacsatada go’aansadeen in gabi ahaan xiraan ganacsigooda si ay cabasho u muujiyaan.

Goobaha ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa labada isgoos ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaashiyaha laamiga oo loo diiday in gaadiidka iyo sidoo kale mootooyinka bajaajta isticmaalaan .

Waxa ayna sheegeen ganacsatada iyo goobaha ganacsi ay degan yihiin lacago badan uga kireesan tahay, haddana aysan heesan macaamiil wax ka iibsata, maadaama ciidamada dowladda xireen isgooska Dabka ayna diideen in gaadiidka kasoo gudbaan.

Ganacsatada ayaa saakay qaban qaabinaya bannaan bax cabasho ay uga soo horjeedaan xirnaashaha inta u dhaxeysa Isgoosyada Dabka iyo Sayidka, waxa ayna codsanayaan in wadadadaasi oo muhiim u ah ganacsigooda dib loo furo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com