Golaha Wasiirrada Jubbaland oo degmooyin u ansixiyey Dhoobley & Buurdhuubo (Sawiro)

Golaha Wasiirrada Jubbaland oo degmooyin u ansixiyey Dhoobley & Buurdhuubo (Sawiro)

Waxaa maanta degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ka qabsoomay shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Jubbaland, kaas oo uu guddoomiyay Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Kulanka oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa qodoba dhowr ah looga dooday, iyadoona magaalooyinka Dhooblay iyo Buurdhuubo loo ansixiyay in ay degmooyinka jubbaland kamid noqdaan.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay dhamaan xubnaha golaha Wasiirada ee shirka ku sugnaa, isaga oo faray in ay dardar geliyaan shaqooyinka ay u hayaan Bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uu degmooyinka Dhoobleey iyo Buurdhuubo ka fuliyaan mashaariic horumarineyd.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa sheegay inay muhiim tahay in demooyinka Dhoobleey iyo Buurdhuubo loo dhiso Golle degaan, loona baahan yahay inay Maamulka kala Shaqeeyaan Odayaasha Dhaqanka.

Waa shirkii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirada Jubbaland ee lagu qabto degmada Dhoobleey, waxaana degmadaas ay kamid tahay degmooyinka uu sida rasmiga ah gacanta ugu haayo Maamulka Jubbaland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com