Golaha Wasiiradda Hiirshabeele oo shir deg deg ah ka yeeshay dagaalka Alshabab lagula jiro

Golaha Wasiiradda Hiirshabeele oo shir deg deg ah ka yeeshay dagaalka Alshabab lagula jiro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada , kaas oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar.

Kulankaan oo looga hadlay howlgallada ka dhana ah Al-Shabaab looga saarayo deegaannada iyo degmooyinka Hirshabeelle, waxaa Wasiirka Amniga looga dhageystay warbixinta amniga, sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay dardargalinta iyo isku xirka dadaalada xasilinta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha usoo gudbisay Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Hirshabeelle oo ay Golaha Wasiirada cod aqlabiyad ku ansixiyeen, Dhanka kale Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyay Macadka Tababarada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Xukuumadda la wadagaay duruufaha adag ee ka jira deegaanada laga saaray Shabaab ee uu socdaalka kusoo maray isagoo xusay inay Al-Shabaab ay cuuryaamiyeen nolosha iyo horumarka bulshooyinka ku nool deegaanada laga xureeyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com