Site icon Radio Daljir

Golaha wasiirada Soomaaliya oo xilka qaadis sameeyey (dhegayso)

Golaha wasiirada Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay qodobo kalle duwan oo ay ka mid yihiin arimaha ammaanka, shirkii New York ee QM, caddaaladda, dastuurka iyo qodbo kalle.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaana laga dhagaystay raysal wasaaraha warbixno kusaabsan shirkii QM ee New York ee uu kasoo qaybgalay.

Dowladda ayaa codsatay in laga cafiyo amaahda lagu leeyahay Soomaaliya, si horumar ay u samayso, dhanka kalle waxaa xilkii laga qaaday xisaabiyihii guud ee qaranka Axmed Yuusuf Siraaji, islamarkaana xilkaasi loo magacaabay Xisaabiye cusub oo lagu magacaabo Faadumo Cismaan Faarax.

Hoos kadhagayso wasiir kuxigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Idiris Yoonis oo sharaxaya

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/59d64d5c0101009ac8962979/Wasiir+kuxigeenka+warfaafinta.mp3?_=1
Exit mobile version