Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Ansixiyay Sharciga la dagaalanka Argagaxisda

Jimco, May 15, 2015 (Daljir) —Golaha wasiirrada dowladda   Soomaaliya, oo shalay shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa dood dheer kaddib ansixiyey Hindise-sharciyeedka la dagaallanka argagixisada oo ay Xukuumadda dib ugala soo laabatay Barlamaanka, si isbadello loogu sameeyo, afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay muhiimadda uu leeyahay Hindisahaan.

“Sharcigan ahmiyad gaar ah ayuu u leeyahay arrimaha ammaanka dalka, si looga hortago kooxaha argagixisada waxaana sharcigan dib ula soo laabatay Xukuumadda, waxaa mar kale loo gudbin doonaa Barlamaanka si ay u meel mariyaan, waxaa cad in kooxaha argagixisada ay inta badan falal waxashnimo ah ay ku dhaqaqaan, haddii ALLE idmo sharcigan ayaa xakameyn doona, isagoo qeexaya tallaabooyinka adag  ee kooxahaas looga hortagayo”.

Golaha wasiirrada ayaa ka hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaxootiga ah ee ka soo laabanaya dalalka dariska ah, arrimaha Soomaalida ku dhibaateysan dalka Yemen  ayaa laga dooday, waxaana todobaada soo socda imaan doona magaalada Muqdisho qeybtii ugu horeysay Qaxootiga Soomaaliya ee Yemen.

“Waxyaabaha kale ee laga hadlay waxaa ka mid ah xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed, dhawaan wasiiru dowlaha arrimaha Gudaha, ayaa tagay Dha-dhaab iyo Kismaayo, waxaana la isla gartay in wax laga qabto waxayaabah ay qaxootiga ka cabanayaan, dabcan xaaladda qaxootiga Yemen, ayaa laga hadlay maalinta Isniinta soo socoto 145 qof ayaa diyaarad lagu keeni doonaa dowladda ayaana soo dhoweyn doonta”.

Golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay si toos ah dood uga yeeshay barista dambiyada dalka ka dhaca sidii loo caddeyn lahaa, taas oo ay sahli karto qalabka carsiga ah ee wax lagu baaro in ay helaan hey’adaha baaris, iyadoo golahu ay ogollaadeen lacag lagu horumarinayo qalabkaasi lagu baaro dambiyada iyo dadka geysta, sida uu  sharraxayo Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

“Golaha wasiirrada waxa ay ansixiyeen 100,000 oo dollar oo lagu horumarin doona qalabka kagu baaro dambiyada, sida kufsiga dilalka iyo dambiyada kale ee dalka ka dhacaya, waxaa la horumarin doonaa tababarrada ciidammada, si looga hortaga dambiyada, waana arrin guul u ah dalka Soomaaliya”.

Golaha wasiirrada Soomaaliya, waxaa la horkeenay warbixin ay amniga dalka ka soo diyaarisay wasaaradda Amniga Gudaha, waxaa lagu  faah-faahiyey in ciidammada ay ku guuleysteen howlagalo badan oo ay gobollada dalka ka f uliyeen iyo ka hortagga Miinooyinka argixisadu ay shacabka ku dhibaataan, waxaana lagu ammaanay ciidamada sida ay u guteen waajibaadkaasi Qaran.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com