Site icon Radio Daljir

Golaha Wasiirada Puntland Oo Kulan Xasaasi ah Yeeshay.

Shirka Khamiislaha ah ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Puntland, ayaa maanta diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen; La dagaallanka Bur-cad badeeda, Amniga, Abaaraha, Ilaalinta hantida dowladda, ansixinta Hishiis ay wada galeen shirkadda CCECC iyo xukuumadda Puntland.

Kulanka oo shir-guddoomiyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ugu horay looga warbixiyay xaaladda amni ee Puntland, waxaana goluhu ka digay in xarakada Al Shabaab weeraro ka qorshaynayso gobollada Galgaduud iyo qaar kamid ah deegaanada Galmudug iyagoo doonaya inay falal amni darro ka gaystaan Puntland.

Hishiis ay wada-galeen shirkadda CCECC iyo xukuumadda ayaa shirkaas lagu ansixiyay, waxaana hishiisku dhigayaan in shirkaddaas oo laga leeyahay China ay dhisi doonto wadada isku xirta Garowe, Eyl iyo sidoo kale garoonka diyaaraha Galkacyo.

Exit mobile version