Golaha Wasiirada Puntland oo ku shiray magaalada Badhan ee xarunta maamulka Sanaag

Golaha Wasiirada Puntland oo ku shiray magaalada Badhan ee xarunta maamulka Sanaag

Golaha wasiirada ee Puntland ayaa kulankoodii todobaadlaha ee maanta ku yeeshay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xeerka ganacsiga Puntland ayaa lagu ansixinayaa shirkan oo ay tahay markii ugu horaysay oo ay golaha xukuumadda Puntland ku yeeshaan gobolka Sanaag oo madaxwaynaha Puntland iyo golihiisa xukuumadda booqasho ay ku joogaan.

Sidoo kalle madaxwaynaha ayaa maanta dhagax dhigay bankiga dhexe ee Puntland ee gobolka Sanaag iyo mashaariic dowladda ay ka fulin doonto gobolkaasi.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com