Golaha wasiirada oo kulankoodii caadiga uga hadlay weerarkii Soobe iyo qodobo kalle

HomeWararka

Golaha wasiirada oo kulankoodii caadiga uga hadlay weerarkii Soobe iyo qodobo kalle

Golaha wasiirada ee dowladda faderaalka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa ee Khamiislaha ku yeeshay magaalada Muqdisho galabta ayaa uga hadlay we

Nabaddoon Yaasin Cabdi Samad: “Muuse Biixi waxa uu maalin qura Boorame sannadkii 1999 ku laayey 800 qof oo reer Awdal ah”
Daawo-Wasiir Maryam Qaasin Oo Dirtay Farriin Qiira Badan Oo Ku Aadan Xaaladda Abaarta
ARDAA: Xalqadii 28aad ee Taxanayaasha ARDAA

Golaha wasiirada ee dowladda faderaalka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa ee Khamiislaha ku yeeshay magaalada Muqdisho galabta ayaa uga hadlay weerarkii musiibada ahaa ee Soobe ee 14kii bishaan, shirka qaran ee madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe oo madaxwaynaha uu casuumaadda u fudiyay. daymaha lagu leeyhay Soomaaliya iyo gurmadka qaran ee kasocda gobolada kale duwan ee dalka ee loo fidinayo dadkii Soobe ku waxyeeloobay.

Shirkan oo uu shir guddoominayay raysal wasaare kuxigeenka dowladda faderaalka Mahdi Axmed Guuleed ayaa lagu amaanay gurmadka qaran ee dhaqaalaha lahu uruuriyay ee ka socda magaalooyinka Bosaso iyo Nairobi, waxaana sidoo kalle lagu sheegay dowladda inay waddo qorsheyaal ammaanka ay ku xasilaynayso kadib weerarkii Soobe.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kalle soo dhoweeyey shirka madaxwaynaha uu casuumadda ugu fidiyay madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada ee la filayo inuu qabsoomo 28ka bishaan, waxaana shirkaasi oo diiradda lagu saarayo arimaha xoojinta wadajirka iyo midnimada Soomaaliya lagu sheegay inay socdaan qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kalle warbixin ka dhagaystay wasiirka maaliyadda oo ka hadlay dayn cafiska Soomaaliya, waxaana uu sheegay meel wanaagsan inay marayso iyadoona lala kaashanayo hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: