Golaha wasiirada ee uu magacaabay madaxwayne Awaare oo la dhaliilay

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee Hirshabelle ayaa dhaliilay magacaabista wasiiradii uu shalay magacaabay madaxwaynaha maamulka cusub ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo tiradoodu yihiin 57- wasiir oo aanay ku jirin wasaaradda haweenka oo wali la magacaabin.

Xildhibaan Cali Ciiley oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay wasiirada inay yihiin kuwa tiro badan oo dhaqaalle ahaan aanay xamili karin maamulka Hirshabelle, xildhibaanka aya intaasi ku daray in loo baahnaa wasiiro tiro yar oo la magacaabo.

Magacaabista wasiirada Hirshabelle oo shalay lagu dhawaaqay ayaa qaadatay waqti badan, iyadoona ay sabab u ahayd culays madaxwaynaha Hirshabelle ka haystay baarlamaanka Hirshabelle oo doonayay inay ka mid noqdaan golaha wasiirada ee maamulka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com