Site icon Radio Daljir

Golaha Wasiirada DFS oo meelmariyeey Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda iyo Xeerka lahaanshiyaha xuquuqda daabacaadda (Daawo)

Golaha Wasiirrada xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Hindise Sharciyeedka Socdaalka, Xeerka lahaanshiyaha xuquuqda Daabacaadda, siyaasadda waxbarashada dalka iyo Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska.

Kulanka golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Sharciga abuurka iyo Noocyada Dhirta, Sharciga Badbaadinta dhir-beereedka, siyaasadda Qaran ee Bacrimiyayaasha, siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha, sharciga hey’adaha adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakameynta kiimikooyinka beeraha.

Exit mobile version