Golaha wasiirada cusub ee Puntland oo lagu dhawaaqi doono saacadaha soo socda

Golaha wasiirada cusub ee Puntland oo lagu dhawaaqi doono saacadaha soo socda

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa saacadaha soo socda waxaa laga filayaa in uu ku dhawaaqo liiska Golihiisa Wasiirada ee cusub.

 

Magaalooyinka waa wayn ee Puntland ayaa waxaa aad looga hadal hayaa nooca iyo tirada Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabi doono madaxweyne Deni.

 

Dhalinyaro farabadan oo ka qalinjabisay jaamacadaha dalka ayaa codsiyadooda ugubiyay madaxweynaha mudadii uu ku mashquulsanaa qabashada araajida ,waxayna dhalinyaradan ay ku raja wayn yihiin in ay ka soo dhexmuuqdaan Golaha Wasiirada.

 

Xafiiska madaxweynaha ayaa dhawaan waxa uu joojiyay qaabilaada dadka araajida u soo gudbisanaya

Madaxweynaha  ayaa balan qaaday in uu soo magacaabi doono  Gole Wasiiro ah oo tayo leh tiradoodana ay koobantahay .

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com