Golaha Wakiilada Somaliland oo la horgeeyay mooshin Xil-ka-xayuubin Madaxweyne. [Akhris …]

Hargeysa, Sept 05 – Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee maanta ayaa la soo hor dhigay Mooshin maamuus ka xayuubin ah oo ka dhan ah Maxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku Xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaana mooshinkaasi saxeexay 38 Mudane.

Fadhigii Golaha Wakiilada oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), waxa madasha Golaha ka soo xaadiray 71 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay.

Fadhigan oo aad u deganaa ayaa furmay 10:37 subaxnimo, waxaana Guddoomiyuhu sheegay in sida xeer hoosaadka Golahaasi Qodobkiisa 37-aad uu qorayo in Mooshinada muddo 24 saacadood ah uu kaga soo talo bixiye garyaqaanka Golahu.

Mudaneyaasha saxeexay Mooshinkan Golaha la horkeenay waxay kala yihiin

1- Aadan Tarabi Oogle
2- Abubakar C/Raxmaan Good
3- Axmed Cabdi Kijaandhe
4- Axmed Ducaale Bulaale
5- Axmed Ibraahim Daahir

6- Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)
7- Bashiir Xuseen Tukaale
8- C/Casiis Ismaaciil Ducaale
9- C/Raxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan Dheere)
10- C/Raxmaan Yuusuf Cartan

11- Cali Xasan Maxamed
12- Cali Yuusuf Axmed
13- Maxamed Cismaan Bulqaas
14- Cumar Axmed Sanweyne

15- Faarax Axmed Cabdulle
16- Xaashi Xuseen Caabi
17- Xariir Siciid Bulaale
18- Xamse Maxamed Gaadoweyne
19- Ibraahim Axmed Haybe
20- Ibraahim Jaamac Cali

21- Ibraahim Xuseen (Dhaadheere)
22- Jaamac Xasan Aadan
23- Maxamuud Axmed Obsiiye
24- Maxamuud Dhunkaal Tukaale
25- Prof. Maxamed Cumar Jiir

26- Maxamed Faarax Qabile
27- Maxamed Jaamac Cabdi
28- Maxamed Xuseen X Ciise
29- Maxamed Nuur Caraale (Duur)
30- Maxamed X. Yuusuf Axmed

31- Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi
32- Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)
33- Siciid Cilmi Rooble
34- Maxamed Jaamac Cali
35- C/Raxmaan Maxamed Talyanle
36- Mahdi Xuseen Caddarre

Dhinaca kale, waxa isla fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada la horkeenay mooshin ku saabsan wax ka bedelka Xeer-hoosaadka Golaha, oo loola jeedo marka wax laga bedelo in la rido Shirgudoonka Golaha.

Mudaneyaasha mooshinkan saxeexay waxay kala yihiin kuwan

1- Cali Sh. Ibraahim Aareeye
2- Xasan Cawaale Caynaan
3- C/Raxmaan Maxamed Jaamac
4- Xuseen Ismaaciil Yuusuf
5- Ibraahim Carraalle Cabdi

6- C/Kariim Aw-Cali Shabeel
7- Cali X. Maxamed Muuse
8- C/Raxmaan Muuse Jaamac
9- Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)
10- Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabilay)

11- Cali Maxamed Aadan
12- Axmed/Yaasiin Sh. Cali Ayaanle
13- Maxamed Baaruud Shide
14- Baar Siciid Faarax
15- Axmed Xasan Aadan

16- Aadan X. Diiriye Sanqoole
17- Maxamuud X. Jaamac (Dable)
18- C/Qaadir Jaamac Xaamud
19- Aadan Muxumed Hoorri
20- Siciid Maxamed Cilmi

21- Axmed Maxamuud Maxamed
22- Prof. Maxamed Barkhad Miigane
23- Axmed Maxamed Nuur
24- Muuse Maxamed Ismaaciil
25- Cabdi Maxamuud Jaamac

26- Axmed Barkhad Obsiiye
27- Maxamed Saalax Cigge
28- Maxamed Cali Jibriil
29- Naasir X. Cali Shire
30- Xariir Siciid Bullaale

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay sida Xeer Hoosaadkoodu qorayo wax ka bedelka xeer hoosaadka ay soo gudbinayaan Guddida joogtada ee Golaha Wakiilada?

Il – somaliland.org

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com