Todobaadka soosocda maalinimada Sabtida ah magaalada Muqdisho waxaa shir isugu imaan doonaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoominaha Gobolka Banaadir sida ay Daljir usheegeen Ilo xogogaal ah.
Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlayo dardar gelinta doorashada, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha doorashada
Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabo Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaasoo Garbahaarey u tagaya xalinta arrinta Gedo.
Lama oga waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulankan la iskula soo qaadi doono,hase yeeshee waxaa si gaabis ah u socday maalmihii la soo dhaafay qorshihii lagu doonayay in dalka loogaga qabto doorasho.
Mudo bil ku dhaw ayaa ka soo wareegatay tan iyo markii heshiiska lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho iyadoo tan iyo xilligaasna laga badin waayay in isbedel lagu sameyo guddigii farsamo ee doorashada.
U dhaaf Halcelis