Golaha Wadatashiga Qaran oo La kulmay Wakiilo ka Socday Bulshada Rayidka

Golaha Wadatashiga Qaran oo La kulmay Wakiilo ka Socday Bulshada Rayidka

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed.

Kulankan dhax maray Golaha wadatashiga qaran iyo bulshada rayidka ayey labada waxa ay uga wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo sidii loo sixi lahaa qaladaadka doorashada ka jira.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxa ay ka dhagaysteen wakiilada ka socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed talo soo jeedin iyo turxaan bixin la xiriirta doorashooyinka dalka ,waxana ay ku celceliyeen si ay u noqdaan kuwa daah-furan oo loo aamini karo,in si sax ah loo hirgalinayo habraacyada doorashada ee lagu hishiiyay.

Kulanka oo galay maalinkii sadaxaad ayaa waxa shir guddoominaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyada oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland ,Galmudug,Hirshabelle ,Jubbaland ,Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com