Site icon Radio Daljir

Golaha Musharrixiinta Puntland oo qaadacay guddiga ansixinta Gaas magacaabay (dhegayso)

Musharraxiinta u tartamaysa jagada madaxweynimada Puntland ee doorashada soo aaddan ee 2019ka, ayaa caaliqay guddigii uu shalay magacaabay madaxweynaha xilkiisu dhammaadka yahay ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, guddigaasi oo ahaa guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka.

Musharraxiinta ayaa diidmadooda ku sababeeyey qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay caddaalad darro laga sameeyey xulidda xubnahaasi, la-tashi la’aan madaxweyne kuxigeenka, iyo guddoomiye Baarlamaan, eex, nin-jeclaysi, danaysi doorasho iyo arrimo kale isla qaddiyadahaasi ka ag-dhaw.

Hoos ka dhegayso oo kaga bogo.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5c064b3cfd00001e5dc7e5a1/Shir-jaraaid_musharaxiinta+Putland_4+Dec+%2718.mp3?_=1
Exit mobile version