Golaha Iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada oo Beesha Caalamka kula shiraya Nairobi

HomeWararka

Golaha Iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada oo Beesha Caalamka kula shiraya Nairobi

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya qaarkood ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Madaxwaynayaasha gaaray ayaa waxaa k

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP. (Daawo)
Xulashada Daljir iyo Axmed Maxamed Nadiif (DHEGAYSO)
Sarkaal ka tirsan ciidanka xasilinta Gaalkacyo oo Qarax lala eegtay

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya qaarkood ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxwaynayaasha gaaray ayaa waxaa ka mid ah Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo wararka laga helayo ay sheegayaan inuu jiro qorshe Beesha Caalamka ay ku hordhigayaan dhex dhexaadin dhinacyadan ay la yeeshaan dowladda dhexe.

Madaxwaynaha Puntland oo ah guddomiyaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa qorshaha horay usii gudbiyay, iyadoo madaxwaynaha Galmudug aanu shirka uga qaybgalayn sababo la xiriira khilaafka maamulkiisa soo wajahy.

Dowlad Goboleedyada ayaa horay xiriirka ugu jaray dowladda dhexe, iyagoona ku eedeeyey inay hareer martay dastuurka, balse dadka siyaasadda ka faalooda ayaa ku dhaliilaya hogaamiyeyaashan inay u gadoodeen sababo la xiriira dano gaar ah.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: