Site icon Radio Daljir

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo codsaday in la hakiyo ansixinta heshiisyada

Warqad kasoo baxday Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu dhawaaqay shirkii madaxwaynayaasha shanta dowlad goboleedyadu ay ku yeesheen magaalada Kismaayo toabnkii Bishii Oktoobar ayaa lagu eedeeyey dowladda faderaalka inay jabisay qodobo ka mid ah heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Warqadda oo uu ku saxiixnaa madaxwaynaha Puntland ahna Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay inaan wax la tashi lagala samayn heshiisyada xukuumaddu soo saartay ee la horgeeyey baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha ayaa ka codsaday xildhibaanada aqalka sare inay hakiyaan ansixinta hindise sharciyeedyadan.

Exit mobile version