HomeUncategorized

Golaha Deegaanka Degmada Garowe oo kulankoodi ugu horeeyay yeeshay

Talaado, September 15, 2015 (Daljir) — Xarunta gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta ka furmay kalfadhigii ugu horeeyey ee ay yeelanaayaan golaha deegaanka degmada Garoowe, ee dhowaan lasoo xulay soona doortay gudoomiyaha cusub ee caasimadda.

Munaasabad xusuus iyo duco ah oo loo samayn doono Alle ha u naxariistee Warsame C. Shirwac. [Akhris …]
M/weyne Faroole oo u socdaalay Ufayn oo hore ay uga dhaceen dagaaalo dhex maray beelo ardaa wadaag ah. [Dhegaysi …]
DHEGEYSO-Maamulka Jubbaland oo digniin kasoo saaray beerista Tubaakada.

Talaado, September 15, 2015 (Daljir) — Xarunta gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta ka furmay kalfadhigii ugu horeeyey ee ay yeelanaayaan golaha deegaanka degmada Garoowe, ee dhowaan lasoo xulay soona doortay gudoomiyaha cusub ee caasimadda.

Furitaankii kalfadhiga ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka arrimaha gudaha, agaasimaha guud ee arrimaha gudaha, gudoomiyaha Gobalka Nugaal, xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad, xildhibaanada gollaha deegaanka, Haween iyo waxgaradka Gobalka Nugaal.

Duqa cusub ee caasimadda Puntland Xasan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa ugu horayn soo bandhigay waxyaabaha ay golaah deegaanku ka hadli doonaan inta uu socdo kalfadhiga golaha deegaanka iyo wuxuuna ka codsaday xildhibaanada inay gutaan waajibkooda.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladdaha hoose iyo horumarinta reermiyaga ee dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo furay kalfadhiga golaha deegaanka ee degmada Garoowe ayaa sheegay inay golaha horyaalaan shaqooyin culus oo u baahan inay wax ka qabtaan.

By: Abdirashid

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: