Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan ku leh xarunta golaha ee Muqdisho

Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan ku leh xarunta golaha ee Muqdisho

Mudanayaasha baarlamaanka ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulankoodii caaddiga yeelan doona, kaasi oo diiradda saaraya wax ka badalka xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kulanka maanta ayaa la filayaa inay baarlamaanku ku ansixiyaan xeer hoosaadka baarlamaanka oo laba akhrin maray, iyadoona maanta lasoo gabagabayn doono.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa wargeliyay mudanayaasha inay soo xaadiraan kalfadhigan oo golaha muhiim u ah.

Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaana aqalkiisa hoose oo kala barkiisu yihiin wasiiro ayaa inta badan waxaan buuxsamin kooramka loogu talagalay kulmada caadiga ah.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com