Site icon Radio Daljir

Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka soo horjeestay heshiis uu ku dhowaaqay Trump

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar ka dhan ah heshiiska qarniga oo caasimada Qudus lagu wareejiyey Israel oo uusaxiixay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Aqalka Sare ayaa cod u qaaday mooshinka ka dhanka ah heshiiska qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madax bannaanida Falastiin,waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhammaan mudanayaashii fadhiga soo xaadiray oo dhammaa 30 Senator.

Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump ayaa soo bandhigay qorshihiisa mudada dheer la sugayay ee ku aadan in Magaalada Qudus ay noqoto Caasimada Israa’iil.

Dhinaca kale Hoggaamiyeyaasha Dunida ayaa ka horyimid qorshaha Trump ee ku aadan qadiyadda Bariga Dhexe.

Wariye Cabdiraxmaan Waberi ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

Exit mobile version