Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka soo horjeestay heshiis uu ku dhowaaqay Trump

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar ka dhan ah heshiiska qarniga oo caasimada Qudus lagu wareejiyey Israel oo uusaxiixay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Aqalka Sare ayaa cod u qaaday mooshinka ka dhanka ah heshiiska qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madax bannaanida Falastiin,waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhammaan mudanayaashii fadhiga soo xaadiray oo dhammaa 30 Senator.

Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump ayaa soo bandhigay qorshihiisa mudada dheer la sugayay ee ku aadan in Magaalada Qudus ay noqoto Caasimada Israa’iil.

Dhinaca kale Hoggaamiyeyaasha Dunida ayaa ka horyimid qorshaha Trump ee ku aadan qadiyadda Bariga Dhexe.

Wariye Cabdiraxmaan Waberi ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka soo horjeestay heshiis uu ku dhowaaqay Trump”

  1. Hassan

    Somalidu waxay ku mahmahadaa, tiisa daryeelaa tu kale ku dara “
    Somalia hadda magac ahan bey u jirtaa ee qaran dhameyatiran ma ahan marka waxaa haboon was walba oo la sameynayo ama goaan walba oo la qadanaya In ay iyagu miisaaniyadda isa saaraan oo waxa ay mudan & halka ay joogan cabiraan sid a lala somalia yahay oo muddo 30 sanno ku dhawaad xal loo la’a yahay dhibku lna yahay dadka wakiilada ama hogaminayaa ay dantooda & tan guud ay tixgeliyaan tiisa  gaar ka ah  oo mudaddii ay matala teen dowladnimo magac ahan u tagan anse dad & dal midna wqx ba ugu fadhiyin oo ay ku guuldarrysteen xitaa In ay fadhiisiyaan shurucda dowladnimo oo ilaa dowladnimada kmgaar ku ka soo bilowdey jabuuti ilaa maanta aysan jirin dowlad dhameyatiran oo  dowladdu qabyo tahay, dastuurka federalka qabyo yahay & gole garsoor&’maxkamada dastuuriga ay San jirin marka was aas kii dowladnimo siyaasiin ku kashifmeen In ay ka hadlaan siyaasadda calamku isku haysto waxaa kaga haboon In ay iyagu is xisaab kana taliya an ayaha dadkoda & dalkiodaba oo anan is haysan

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com