Golaha Ammaanka oo sheegay in xukuumaddu ay hormar ka sameysay qabyotirka dastuurka

Golaha Ammaanka oo sheegay in xukuumaddu ay hormar ka sameysay qabyotirka dastuurka

Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in guddiga madaxa bannaan ee arrimaha dastuurka, guddiga labada aqal ee dib u eegista dastuurka iyo wasaaaradda arrimaha dastuurka oo yeeshay wada-shaqayn xooggan ay Muqdisho ku shireen intii u dhexeysay 4tii ilaa 7dii February ee sannadkaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali uu xiritaankii shirkaas uu ku celiyay in dib-u-eegisga dastuurku ay tahay muhiimadda koowaad ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Dhincayada u xil saaran dib u eegista dastuurka ee shirka yeeshay ayaa soo saaray war-murtiyeed waxa ayna ku celiyeen in ay sii wadayaan wada-sahqaynta, waxa ayna dalbadeen in laga fogaado muranka siyaasadeed ee horseedi kara in uu wiiqmo qorshaha dib-u-eegista dastuura, iyaga oo codsaday in la karaariyo arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed.

Sagaal kamid ah 15-ka cutub ee uu ka koobanyahay dastuurka kumeel gaarka ah ayaa dib-u-eegis lagu sameeyay, shan kamid ah sagaalkaas cudubnta waxaa la hor geeyay Baarlamaanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in cusubyada aan wali lagu samyn dib u eegista ay kamid yihiin qeexidda awoodaha, hannaanka dowladeeed iyo maqaamka Muqdisho. Baarlamaanka ayaa la filayaa in in ay ka doodaan dib u eegista lagu sameeyay cutubyada kahor inta aan guud ahaan ka doodin dib u eegista oo dhamaystiran.

Intii lagu guda jiray shir ay Kismaayo ku yeesheen 8dii ilaa 10-kii April, guddiyo farsamo oo ka socda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo guddiyada dib u eegista dastuurka kumeel gaarka ah ayaa la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada si looga guul gaaro himilada ummadda Soomaaliyeed.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com