Golaha ammaanka & hay?addaha gargaarka oo walaac ka muujiyay musiibo bini?aadatinimo oo ka dilaacda gobollada Al-shabaab ay ka mamnuuceen.

Nairobi, Nov, 30 ? Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo qaar ka mida hay?addaha ka shaqayn-jiray hawlaha gar-gaarka bini?aadatinimo ayaa walaac kii ugu darnaa ka muujiyay amarka kasoo yeeray kooxda Al-shabaab ee ku aadan xayiraada lagu soo rogay 16 hay?adood oo ka hawl-gali jiray deegaano ay maamulaan ururka Al-shabaab.

Madax u hadashay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cabbiray suurto-galnimimada xaalad musiibo bini?aadatinimo oo ka dhalata gobolladii ay quudinta, iyo kaal-mooyinka caafimaad ka samayn-jireen hay?addo badan oo ay ka mid tahay hay?adda QM u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF.

Madaxdaasi u hadashay Golaha ammaanku waxay tusaale u soo qaateen hay?adda UNICEF oo ay ku tilmaameen inay ka kaalmayn jirtay goobahaasi agabka xarumaha caafimaadka, daweynta carruurta ay nafaqo darrada hayso, helitaanka biyo nadiif ah iyo talaalka carruurta, iyo ka hor taga cudurka jadeecada.

Qaar ka mida masuuliyiintii madaxda ka ahaa 16-kii hay?adood ee laga joojiyay hawlihii ay ka hayeen deegaannada ay maamulaan kooxda Al-shabaab, ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan deegaano iyo bulsho badan oo u baahan waxqabadyo dhinacyo-badan leh, haddii aan bulshadaasi la caawina ay suuro-kali karto khadartu inay ka badato inta ay hadda marayso.

Ururka Al-shabaab ayaa 27-kii bishaan si cad uga joojiyay guud ahaanba shaqooyinkii ay ka hayeen deegaannada ay maamulaan, waxaana ay kusoo eedeeyeen musuq-maasuq ka dhan ah Al-shabaab inay wadaan, isla markaana lacagaha ay wax-ku qabtaan laga soo arruuriyo kaniisadaha kiristanka ee ku yaala Maraykanka iyo dalaka Yurub, taasina aysan u dulqaadan doonin.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com