Golaha ammaanka ee Q.M oo kuheshiin waayey cunaqabatayn lasaaro Suuriya.

New York Sep 01 2016–Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa isku maandhaafsan cunaqabatayn dhanka hubka ah oo lasaaro dalka Suuriya, kadib markii ciidanka dalkaasi ay adeegsadeen hubka Kiimikada. 

Kooxo baarayaal ah oo kasocda Qaramada Midoobey ayaa helay cadeeymmo muujinaya in Ururka Daacish ay iyaguna uguyaraan Hal Jeer ay isticmaaleen Gaaska Sunta ah. 

Kadib arrinkaani waxaa qaar kamid ah xubnaha goluhu soo jeediyeen in cunaqabatayn dhanka hubka ah lasaaro dalka Suuriya, iyadoona dalka qaar qaadeceen arrinkaasi. 

Dalalka saaxiibka dhow la’ah xukuumadda Bishar Al-Azad oo uu horkacayo Ruushku ayaa sababay in arrinkaani laysku afgaran waayo kadib markii ay dalbadeen cadayn maxkamadeed.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com